Wasiir Islow Kursiga Ma Adigaa Iska leh”?{WARBIXIN:}

by admin | Wednesday, Jul 25, 2018 | 847 views

Ceebta waxaa dareema qofkii damiir leh oo jirkiisu uu damqanayo,laakiin sariig laawuhu ma dareemo xanuunkeeda, tusaale ka dhigo wadciga jira,dhacdooyinka taariikhda madow-galay iyo milgaha xilka qaran ee sidii hadiyad kuu gaar ah aad ula googatay.

Xilku ma ahan wax hanti ahaan  uu  shaqsi u yeelan karo,mana ahan shay hadiyada ahaan la iskugu hibeyn karo ee waa meertu ay u simanyihiin muwaadiniinta sharuudihiisa buuxiya,taasi waa mida haatan naga maqan in aan fahamno, si loo helo shaqsi sax ah, oo si hufan u gudan kara waajibaadka Howl qaran.

 

dulucda warbixintaan waa sida ay isku moogyihiin Xaalada dalku uu ku jiro iyo Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo haya Xilka Wasiirka Amniga Qaranka, kursigana iskaga fadhiya Asagoo goobjoog ka noqday dhacdooyin Xasuus Murugo leh reebay oo uu ka mid yahay Xasuuqii 14-Oktoobar ee sanadkii 2017-kii ka dhacay Zoobe.

 

Markii aanu mid mid u dul istaagno dhacadooyinka Muqdisho oo kaliya ka dhacay, 2017-2018 wasiir Maxamed Abuukar Islow, waxaa uu noqonayaa shaqsigii ugu hogaaminta xumaa ee soomara waasaarada amniga qaranka oo mas’uuliyad ay ka saaran tahay nabad galyada nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

 

 

 

Xasuuso weeraradii Ismiidaaminta ahaa  ee gaadiidka loo adeegsaday ee kala ahaa 14-kii Oktoobar,Hotel-naasahablood-2 ,Hotel Dayax iyo kuwa kale oo dad lagu dilay ay boqolaal gaarayaan, iska hor imaadyo ciidan iyo boqolaal qof oo sababsaday dilal qorshaysan oo badankood ka dhacay Magaalada Muqdisho,dhacdooyinkaas wasiir Islow waxaa uu ugu falceliyey Shirarjaraa’id uu ku dul qabto dhiiga muwaadiniinta oo dhulka waran, Asaga oo ku labisan Tuutaha ciidanka ama Suudka Xaragada.

 

Wasiir Islow guuldarooyinka dhanka Amniga qaranka ah ee wehesha u noqday, waxaa u sii dheer in uu noqday gaashaan bir ah oo siyaasadaha gurucan ay iska xijiyaan madaxweyne  Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare kheyre, waxaana loo adeegsaday fulinta amaro lagu mamnuucey shirarka siyaasadeed,Asaga oo ka soo dhexmuuqday, weerarkii dhimashada lahaa ee dhamaadkii sanadkii 2017 lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur warsame, sida uu qirtay wasiir Islow, sidoo kale qeyb ayuu ka qaatay tuuristii,Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo xilka looga qaaday Abaabul ka yimid RW Kheyre, talana waxaa uu kulahaa Jaahwareerkii xilka qaadistii badnayd ee lagu sameeyey taliyshaada Ciidanka oo nabad sugidu ay ugu horeyso.

 

Wasiir Islow Ducaale inta uu xilka hayey wax-qabadkiisa waxaa ka mid ahaa in uu si xushmad daro ah uu shaqada uga eryey Labo Afhayeen oo wasaarada Amniga soo maray oo  kala ahaa Sayid Axmed Carab iyo C/caziiz Xildhibaan, oo shaqa laga Cayriyey ka dib markii ay dhaliileen hab dhaqanka wasiirka amniga, iyo inay jiraan saraakiil dowladda ka tirsan oo Al-shabaab weerarad u fududeeya.

 

Wadooyinka oo Muddo Xirnaa qaarkoodna  ay noqdeen meel maritaanka ka caagan, shacabkuna  ay ku cadiban-yihiin,xaalada xukumadu ay Xamar ku soo rogtay,ayaa 7-July rag hubeysan oo gaadiid qaraxyo ah wata waxaa ay galeen xarumihii  wasaaradaha Arimaha gudaha iyo amniga oo  uu ku shaqeynayey wasiir Maxamed Abuukar Islow,halkaasna waxaa ka bidhaamay shaki ah in wada shaqeyn ka ay dhaxeyso, Al-shabaab weerarka fuliyey iyo laamaha amniga,xiligaas shacabka Soomaaliyeed waxa ay sugayeen in uu xilka iscasilo wasiirka amniga,maadaama shacabka loo diiday inay wadooyinka isticmaalaan,Shabaabna loo ogolaaday inay gaadiid qaraxyo ah ay ula gudbaan xarumaha dowladda ugu muhiimsan.

Like it? Share it!

Leave A Response