Wasiir ka tirsan xukuumadda Puntland oo is casilay

by admin | Sunday, Sep 23, 2018 | 893 views

Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, Cali Cabdullaahi Warsame  ayaa is-casilay ,  isagoo ku eedeeyay maamulka musuqmaasuq iyo inuu ku fashilmay himilooyinkii shacabka.

Cali Cabdullaahi, waxaa kalo uu u sababeeyay is casilaadiisa in shaqada wasaaradda lugu wareejiyay hay’ad uu  sheegay “si gaar ah madaxtooyada Puntland inay u naas-nuujiso ,si mashaariicda dano shaqsiyeed iyo musuqmaasuq loogu dabaqo”, waxaa kalo u sheegay wasaaradda inaysan helin muddo sadddex sanno ah xuquuqihii aasaasiga ahaa oo mushaarku ka mid yahay.

Wasiirka is casilay , wuxuu sheegay maamulka inuu waxba ka qaban waayay amniga, isagoo si gaar ah u tilmaamay madaxtooyada, waxaa kalo uu ku eedeyay  dowladda u hoggaamiyo madaxweyne Cabdiweli Gaas , inay si toos ah is hor-istaag ugu sameysay mashaariic horumarineed , oo howlihii horumarka iyo baahiyaha bulsho laga hormariyay wax uu ku sheegay “danaha shaqsiyaad iyo kooxeysi.”

Toddobadyadii u dambeeyay ayaa la hadal hayay Cali Cabadullaahi inuu xilkan iska casilayo, markii wax jawaab uu ka bixin waayay xafiiska madaxweynaha Puntland cabasho ay gudbisay wasaaradda, sida ay baahisay warbaahinta gudaha.

https://www.hiiraan.com/images/2018/Sept/

 

Like it? Share it!

Leave A Response