Wasiir Khadiijo oo sheegtay inay fulineyso Amar kasoo baxey Madaxda Sare

by admin | Thursday, Mar 26, 2020 | 434 views

Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa markale ku celisey in la hakiyey dhamaan Tartamada Ciyaaraha Soomaaliya,iyada oo la farey dhamaan Wasaaradaha Ciyaaraha Dowlad goboleedyada amarkaan.

Wasiir Khadiijo oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in,iyaga oo fulinaya amarka Madaxda Sare ee dowladda Somaaliya la hakiyey dhamaan taratamada ay qabanayeen Olombikada Soomaaliyeed si looga feejignaado Cudurka COVID 19.

Sidoo kale Wasiir Khadiijo ayaa waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey in ay maalmahaan tixgelin siinayeen Ciyaartoyda iyo macaliminta Ajaanibta si Ciyaaraha loo fasaxo,balse ay suurtagal noqon weysay sababo la xiriira Cudurka Coronavirus Go’aankii ay horey Wasaaradda u soo saartana uu weli taagan yahay.

18-kii Bishaan ayaa Amar kasoo baxey Wasaaradda Dhalinyarada iyo Cayaaraha ee Xukuumadda Soomaaliya waxaa lagu hakiyey dhamaan Ciyaaraha noocyadooda kala duwan ee dalka sababo la xiriira Cudurka COVID 19, Amarkaas oo Maanta ay markale ku celisey Wasiir Khadaiijo Maxamed Diiriye.

Like it? Share it!

Leave A Response