Wasiir sheegay in doorasho ka dhaceyn Muqdisho & Soomaaliland

by admin | Monday, May 20, 2019 | 776 views

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Magalada muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya iyo deegaanada Soomaaliland aysan ka dhaceyn doorasho ilaa laga xaliyo cabado jira.

Xilli Maanta uu goobjoog ka ahaa kulankii Baarlamaanka ayuu sheegay in dadka jooga deegaanada Soomaaliland aysan ka qeyb galeyn doorasho,hadii aan Alle xaalad deg deg ah keenin.

Dadka ku nool deegaadada Soomaaliland ayuu sheegay in laga Shaqeeyso sidii ay ku imaan lahaayeen,maadaama weli ay aaminsan yihiin inay ka go’een Soomaaliya inteeda kale.

Magalada Muqdisho ayuu sheegay in maqaamkeda aan weli go’aan laga gaarin,sidaas daraadeedna aysan fududeyn inay doorasho ka dhacdo,waxana uu isweeydiiyey waxa ay noqon karto matalaada ay yeelanayaan Shacabka Gobolka Banaadir.

Like it? Share it!

Leave A Response