Wasiirada Amniga, Gaadiidka iyo Taliyaha Booliska oo hor-tagay Baarlamaanka

by admin | Sunday, Dec 8, 2019 | 581 views

Waxaa goor dhow furmay kulankii gaarka ahaa ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka su’aalaha ku weydiinayeen Wasiirada Amniga Maxamed Abuukar Islow, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad (Oomaar)

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/weli Ibraahim Muudeey, iyadoo ay soo xaadireen ilaa 120 Xildhibaan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay su’aalo weydiinayaan Wasiiradan iyo Taliyaha Booliska, waxaana arrimaha ugu waa weyn ee wax laga weydiin doono ka mid ah dhacdooyinkii u dambeeyay ee dalka ka dhacay, gaar ahaan xayiraadii lagu sameeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa qaba in wasiirada Xukuumadda si adag loola xisaabtamo, maadaama ay sheegeen waxyaabo aan la ogeyn cida u dirsatay ay ka shaqeynayaan, sidaas ay tahayna loo baahan yahay in la ogaado shaqadooda si loola xisaabtamo.

Like it? Share it!

Leave A Response