Wasiirka Amniga Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashada Goodax oo gaaray Jowhar

by admin | Saturday, May 18, 2019 | 767 views

Wafdi isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Ducaale iyo Wasiirka Waxbarashada Cabdulaahi Goodax Barre ayaa goor dhow gaaray magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshaballe.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiiro,xildhibaano iyo Maamulka gobolka Sh/dhexe.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma sheegin ujeedka booqashada wafdigan ee magaalada Jowhar hase yeeshee warar ku dhow dhow maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ujeedka booqashada wafdigan ay tahay sidii xal looga gaari lahaa qaadista imtixaanka dugsiyada sare oo dhowaan ay wasaarada waxbarashada dowlada federalka ay baabi’isay.

Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa dhowaan ku dhowaaqay in la ayaa dhowaan magacaabay guddi arrimaha imtixaanaadka ka talabixiya waxaana shalay ay guddigan la kulmeen bahda waxbarashada ee magaalada Jowhar.

Mas’uuliyiinta ka socota dowlada federalka ee soo gaartay magaalada Jowhar ayaa waxaa ay deegaan doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.

Like it? Share it!

Leave A Response