Wasiirka Amniga oo ciidamada ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha dilka ka fuliya Muqdisho

by admin | Friday, May 11, 2018 | 993 views

Wasiirka Amniga Soomaaliya maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa Ciidamada Amaanka dalka ku amray in ay gacanta ku soo dhigaan kooxaha Dilalka qorsheysan ka geystaan magaalada Caasimada Muqdisho,isagoona sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in dilal ay ka dhacaan Magaalada muqdisho.
Sidoo kale Wasiir  islow ayaa waxa uu sheegay in ka hor sugida amniga muqdisho looga baahnayahay ciidamada qalabka sida ee dowladda soomaliya in ay dhexdooda ay la yimaadaan wada shaqeyn si ay ugu fududaato buu yiri la dagaalanka cadowgooda.
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii dambe Waxaa ka dhacayay Dilalka qorsheysan ee loo geysto askarta ka tirsan Ciidanka Dowlada Soomaaliya,iyo dadka shacab ah ee aan Waxba galabsan,hayeeshee Waxaa uu xusid mudan in maalmo ka hor Dowlada Soomaaliya ay sheegtay in ay diyaarisay Ciidamo looga tala galay sidii ay ugu hortagi lahaayeen weerarada Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response