Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ka dib markii..

by admin | Wednesday, Jul 11, 2018 | 977 views

Xerada tabbabarada ciidanka xoogga dalka ee Gen. Dhaga-badan, ayay kormeer howleed ku tageen wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidanka xoogga dalka, Xoghayaha guddiga difaaca ee golaha shacabka iyo saraakiil kale.

Qaar kamid ah askartii horey Imaaraadka gacanta ugu hayeen ayaa hadda lagu leyliyaa xerada, waxayna mas’uuliyiinta soo indha indheeyeen qeybaha xerada, sida goobaha tabbabarka iyo qeybta cuntada, iyadoo mas’uuliyiinta ay la kulmeen saraakiisha Midowga Yurub ee Tabbabarta ciidanka xoogga dalka oo ugu warbixisay howlaha ay halkaas ka hayaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, sareeyo Gaas, C/weli Jaamac Gorod oo la hadlay askarta tabbabarka u socday ayaa ku booriyay in ay u adkeystaan leyliga, si dalka ay u anfacaan.

Xoghayaha guddiga difaac ee golaha shacabka, xildhibaan Sadiiq Warfaa, ayaa sheegay in miisaaniyadda wasaaradda Gaashaandhigga la kordhin doono sanadka soo aadan maadaama uu dalka dagaal ku jiro.

Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) wasiirka difaaca ee Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay madaxda dowladda Soomaaliya, islamarkaana uu u taagan yahay fulinta hadafkaas.

Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo mas’uuliyiinta kale ayaa saldhiga howlgalka ciidanka Midowga Yurub ee tabbabarada siiya ciidanka xoogga dalka waxaa ay kula kulmeen Taliyaha cusub ee howlgalkaas Brigadier Gen. Matteo Spreafico iyo Gen. Pietro Addis oo xilkaas baneeyay, ayagoo kala hadlay dardargelinta howlaha dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wadaan Midowga Yurub.

Dhanka kale, wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa la kulmay sarkaalka Midowga Yurub siyaasadda dibadda ee bariga iyo Koonfurta Afrika u qaabilsan Eric Galvin ayagoo isku afgartay in Midowga Yurub ay kordhiyaan taageerada Wasaaradda Gaashaandhigga.

Wasiirka difaaca Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe), ayaa sheegay in Midowga Yurub ka caawin doonaan dib u dhiska xeriyaha ciidanka xoogga dalka, kor u qaadista xirfadda shaqaalaha shacabka ah ee wasaaradda iyo arrimaha kale oo muhiim ua ah howlaha wasaaradda.

Wasiirka Gaashandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan helitaanka xuquuqda askarta ciidanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii Shabaab dalka looga xoreyn lahaa.

Like it? Share it!

Leave A Response