Wasiirka Waxbarashada oo xaqiijiyay in la musuq maasuqay Imtixaankii shahaadiga ee dowladda qaadeysay

by admin | Monday, May 13, 2019 | 873 views

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in la joojiyay Imtixaankii mideynaa ee dowladda qaadeysay, kaasoo Saddexdii maalin ee u dambeysay ka socday Muqdisho iyo gobolada Koofureed ee dalka.

Wasiir Goodax oo goor dhow ka hadlay Warbaahinta dowladda ayaa qiray in la helay Su’aalaha dhamaan Lixdii maado ee la kala galay maalmaha Sabti, Axad iyo Isniin oo maanta aheyd.

Mr. Goodax si rasmi ah ma aanu u sheegin cida Su’aalaha bixisay, wuxuuse carabka ku adkeeyay inay jiraan dad iyadoo Bil Ramadaan lagu guda jiro dhaqaale ka raadiyay iney gataan Su’aalihii Imtixaanka ee ardeyda loo diyaariyay.

27-ka bishan ayuu tilmaamay inay dib u bilaabanayaan dhamaan maadooyinka Imtixaanka fasalka ugu dambeeya ee dugsiga Sare, isagoo sheegay in la baabi’iyay kuwii la galayay maalmahan, kuwaasoo habeen kasta dhex yaacayay baraha Bulshada.

Waa markii u horeysay ee sanadkan imtixaanka dowladda qaadeysay si musuq maasuq ah suuqyada lagu iibsado, iyadoo C/llaahi Goodax Wasiirka Waxbarashada yahay, lana kowsaday fadeexad imtixaanki u horeeyay ee uu ku soo aado, iyadoo maamulka Puntland ay hore isaga diiday iney qeyb ka noqoto Imtixaanka Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya ay diyaariso.

Like it? Share it!

Leave A Response