Wasiirkii arrimaha dibedda Somaliland ee is-casilay oo war yaab leh soo saaray

by admin | Sunday, Mar 7, 2021 | 377 views

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo dhawaan xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iska casilay, ayaa markii u horeysay si faah-faahsan uga hadlay Musharaxnimada uu darteed uga tagay xilka muhiimka ah.

Faratoon ayaa sheegay in xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi uu uga tagay sidii uu ugu ololeyn lahaa Kursiga Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas oo uu sheegay inuu u sharaxan yahay.

“Hadda waan is casilay, waxaana iskaga casilay xilkii aan qaranka u hayey oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in aan isku soo sharaxo xilka Golaha Wakiilada, gaar ahaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan u sharaxan nahay, Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa inuu iga gudoomo is casilaada,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay inuu ku guuleysanayo jagada Golaha Wakiilada, islamarkaana uu hubo inuu hananayo kursiga ugu sarreeya golahaas ee Guddoomiye-nimada, xili aan weli loo dareerin doorashada xildhibaanada golaha.

“Markasta dalkayga iyo dadkayaba si daacadnimo iyo dadaal ku jiro ayaan ugu soo shaqeeyey, haddii noqoto Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashadaba, insha allaah  waan ugu shaqeeyn doona”.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay soo baxayeen warar sheegaya in madaxweynaha Somaliland uu dabada ka riixayo musharaxnimada Faratoon, islamarkaana uu la rabo inuu ka dhigo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland.

Faratoon ayaa xilkii Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland u baneeyay si uu uga madax banaanado ololaha musharaxnimadiisa, wuxuuna door weyn kasoo qaatay dadaalka ay Somaliland ku baadi-goobeyso madax-banaanida ay ku doodo.

Like it? Share it!

Leave A Response