Wasiirkii Britain u qaabilsanaa ka bixitaanka Midowga Yurub oo is casilay

by admin | Thursday, Nov 15, 2018 | 757 views

Dominic Raab Wasiirkii Britain u qaabilsanaa ka bixitaanka Midowga Yurub ayaa is casilay wuxuuna sheegay in isaga oo ay wanaag ka tahay uusan taageeri karin heshiiskan ka bixitaanka Britain ee Midawga Yurub.

iscasilaada Wasiirka ayaa timid ka dib markii Theresa May ay ku dhawaaqday in ay  heshay taageerada golaha wasiirrada ee heshiiska, ka dib shan saacadood oo ay shirka kula jirtay.

Tiro wasiirro ah ayaase la fahamsan yahay in ay sheegeen hadallo ka dhan ah arrintaas.

Hogaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee dalkaasi Mr Corbeyn ayaa May iyo maamulkeeda ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen dardar gelinta qorshaha BREXIT oo uu sheegay in ay dadka reer Britain u sheegtay in ay ahmiyad gaar ah siin doonto qorshahaasi.

Waxaa la fahansanyahay in May aynan sidii loo baahnaa wax ugu qaban qorshaha  BREXIT waxaana xusid mudan in Reisulwasaarihii kaga horeeyey xafiiska Mr Cameroon in uu xilka u baneeyey sidii loo hana qaadi lahaa ka bixitaanka Britain ay isaga baxayso dalalka midowga Yurub.

Like it? Share it!

Leave A Response