Wasiirkii dowlada kenya u saxiixay heshiiskii badda oo xog cusub shaaciyay

by admin | Tuesday, Jun 18, 2019 | 691 views

Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dowladda Kenya Moses Wetangula ayaa ugu baaqay Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu si toos ah muranka Xuduudda Badda ee kala dhaxeeyo Soomaaliya uu kala hadlo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo .

Senator Wetangula oo ahaa ninkii Kenya u saxiixay heshiiskii badda Soomaaliya ee 2009 ayaa sheegay in Soomaaliya ay qeyb weyn ka qaadato Dhaqaalaha Kenya loona baahan yahay in xal laga gaaro khilaaf kasta oo keeni karo inuu xiriirkaas ganacsi xumaado.

Wuxuu ku dooday inay Kenya dhaqaale fiican ka hesho lacagaha ay Hey’adaha Caalamiga oo ay kamid yihiin  Qaramada Midoobay iyo Safaaradaha ay Soomaaliya usoo mariyaan Kenya ,wuxuuna sheegay in lacagaha Kaashka ah ee loo diro Soomaaliya ay Kenya ka hesho lacago badan.

” Waxaan mar kasta dhahnaa ma dooran kartid cidda dariska kula noqoneyso, dariskaaga mar kasta meeshiisa ayuu ku yeelayaa, mararka qaar waxaad la yeelaneysaa xiriir subag ah mararka qaarna xiriir qabow” ayuu yiri Wetangula.

Wuxuu Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ugu baaqay inay cashir fiican ka bartaan sidii loo xaliyey murankii dhanka Xuduudda ee ka dhaxeeyey Dowladaha Tanzania iyo Malawi

” Waxaa  dhawaanahaan jiray khilaaf la mid ah Midka u dhaxeeyo Kenya iyo Somalia oo u dhaxeeyey Malawi iyo Tanzania kaasoo ku saabsanaa muran ku aadan Xuduuda Lake Nyasa taasoo u dhaxeyso labada dowladood, Tanzania ayaa dooneysay inay halkaas kala baxdo Shidaal, Malawi way diiday iyadoo sheeganeyso inay leedahay iyada” ayuu  sii raaciyey.

Sida laga soo xigtay Wetangula Khilaafkii ka dhaxeeyey Dowladaha Malawi iyo Tanzanian ayaa lasoo dhameeyey markii ay labada madaxweyne arrintaas u xil saareen koox ay hoggaminayeen Wasiiradooda Arrimaha Dibadda taasoo ugu dambeyn keentay in si wadahal ah xal looga gaaro.

Like it? Share it!

Leave A Response