Wasiirkii hore ee gaashaandhigga oo DF ku eedeeyay inay balamo uga baxday Roobow

by admin | Tuesday, Oct 9, 2018 | 876 views

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in aysan sax aheyn in Sheekh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo horey uga tirsanaan jiray Ururka Al Shabaab marna noqday kuxigeenka hoggaanka ururkaasi uu u tartamo doorashada Koonfur Galbeed.

Bulshada ayaa aad u hadal heysay arrintaasi iyo waqtiga ay dowladda ka hadashay, maadaama ay muddaba cadeyd qorshaha Sheekh Muqtaar Roobow.

Wafdi ka socday dowladda federaalka Soomaaliya iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa maalmo kahor kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo, waxayna gaareen is afgarad aanan warbaahinta lala wadaagin.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa shaqsigii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda federaalka iyo Sheekh Muqtaar Roobow ayaa wuxuu sheegay qaabkii loo balamay in badan oo ka mid ah in dowladda dhankeeda uusan ka fulin.

Wuxuu sheegay qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda uu ka fuli waayay inay ka mid aheyd in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kaleba ay dowladda ka baxday.

“Muqtaar Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya oo la hadlay VOA-da.

Wuxuu sheegay intii uu wasiirka ka ahaa wasaaradda gaashaandhigga in lagu balamay Shabaab intooda ku haboon in wada hadal lala galo, inta kalena dagaal toos ah lagu qaado, balse dowladda ayuu tilmaamay inay arrimahaasi meel iska dhigtay oo ay ku mashquushay siyaasadda maamul goboleedyada iyo doorashooyinka 2020-ka.

C/rashiid C/laahi ayaa tilmaamay ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay, wuxuuna sheegay in dano siyaasadeed laga leeyahay is hor istaaga lagu sameeyay Roobow.

Sheekh Muqtaar Roobow oo todobaadkii hore tagay magaalada Baydhabo ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed, dad badan ayaa aaminsan hadii xilkaasi uu qabto inuu isbedel weyn sameyn karo.

Like it? Share it!

Leave A Response