Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo farriin uu ka siday Farmaajo gaarsiiyay Masar

by admin | Sunday, Dec 13, 2020 | 726 views

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in todobaadkii hore magaalada Qaahira ee dalka Masar uu safar ku tagay Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Xasan Khaliif, kaasoo farriin gaar ah ka siday Madaxweyne Farmaajo.

Ilo wareedyada ayaa sheegaya farriinta uu siday Xasan Khaliif ay isugu jirtay arrimo dhowr ah, waxaana ka mid ahaa arrinta wada hadalada Imaaraadka Carabta oo dowladda Soomaaliya daneyneyso in dib loo soo nooleeyo si xiriirka labada dal caadi loogu soo celiyo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaaday, labo sano ka hor, markii ciidamada amniga ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku xanibeen diyaarad laga leeyahay Imaaraadka, taasoo siday lacag gaareysa 9 milyan oo dollar, lacagtaas ayay dowladdu la wareegtay.

Imaaraadka ayaa ka carootay tallaabadaas, waxaana ay Muqdisho kala baxeen qalab iyo gaadiid ay ku tababari jireen Ciidamada Soomaaliya, iyagoo albaabada isugu dhiftay xero ay ciidan iyo Isbitaal, waxaana wixii markaas ka dambeeyay hoos u dhacay xiriirka labada dal.

Dadaalada dhex dhexaadinta ee laga waday Soomaaliya iyo Imaaraadka ayaa marxalado kala duwan soo maray, iyadoo Masar ay ku jirtay dadaaladaas, waxaana Imaaraadk Carabta ay horay shuruud ku xirtay in marka hore dowladda Soomaaliya raalli gelin rasmi ah ay bixiso, isla markaana dib u soo celiso lacagtii ay la wareegtay.

Si kastaba ha ahaatee Safarka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada ku tagay Masar ayaa ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dowladda Soomaaliya wajaheyso marxalad doorasho, iyadoo Masar loo arko xilligan inay door weyn ka ciyaari karto doorashada Soomaaliya, waxaana dhowaan Qaahira tagay qaar ka mid ah Musharaxiinta Madaxweynayah iyo Siyaasiyiin oo ay ku jiraan Xasan Sheekh, C/raxmaan C/shakuur, Daahir Geelle, Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar C/rashiid, halka kuwa kalena la filayo inay dhowaan tagaan.

Like it? Share it!

Leave A Response