Waxgaradka Boosaaso oo ka digay dagaal markale ka dhaca Boosaaso

by admin | Saturday, Nov 16, 2019 | 623 views

Waxgaradka Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in markale uu dagaal ka dhaco Magaalada Boosaaso, ka dib markii Ciidanka Puntland iyo Maleeshiyaad hubeysan ay ku dagaallameen Boosaaso.

Qaar ka mid ah waxgaradka iyo Culimadda oo kulan ku yeeshay Magaalada Boosaaso ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland ay ugu baaqayaan in uu joojiyo Ciidamada dheeraad ah ee uu kusoo daabulaayo Boosaaso taaso badalkeena loo baahan yahay Nabad.

Waxgaradka waxay ka digeen ficilada socda, dawladnimada ayay kubaaqeen in aan la suurad xumeynin, dhacdooyinka qaarkodna waxay sheegeen in ay ka walaacsan yihiin.

Midnimada iyo Wadajirka ayay kubaaqeen in la adkeeyo, waxay sheegeen in ay Puntland leedahay cadowyo badan ayna tahay in taas waqti lagaliyo.

Xukuumadda iyo Madaxdeeda ayay sheegeen in ugula xisaabtami doono ficilada qaarkood oo ay tahay in ay garowsato muhiimada ay u leedahay daganaanshaha dalka.

Like it? Share it!

Leave A Response