Wayne Rooney Oo Kashifay Shantii Xiddig Ee Gacanta Ku Heyn Jiray Qolka Labiska Man United, Doorkii Uu Ku Lahaa & Sababta Ay Ugu Fiicneed Alex Ferguson.

by admin | Saturday, Oct 20, 2018 | 1020 views

Kabtankii hore Man United [Wayne Rooney] ayaa shaaca in ciyaartoyda heerka sare ee kooxda ay gacanta ku hayeen qolka labiska intii lagu jiray waqtigii ay kooxda sida weyn u daldalneysay inta ugu badan koobabka ay u tartantay.

Gooldhaliyaha ugu sarreeya Red Devils kaas oo kula guuleystay kooxdiisa shan horyaal, sidoo kalana la qaaday labada koob ee yurub ugu waaweyn Champions League & Europa League ayaa kashifay shan xiddig oo gacanta ku heysay qolka labiska, taasna ay aad ugu wanaagsaneyd kooxda, tababare Sir Alex Ferguson iyo saxiixyada cusub ee kooxda.

Ferguson wuxuu dhexda ka galay tobankiisii sano ee ugu dambeysay Old Trafford is qabqabsiyo ciyaartoyda dhexdooda iyo kuwa isaga ku qotoma, waxaana ka mid ah ciyaartoydaas ka mid ah: Cristiano Ronaldo, Dimitar Berbatov, Carlos Tevez iyo Nani.

Rooney wuxuu qiray in xiddig walba la dareensiinayay qiimo walba haku fadhiyo, mushaar walba ha qaato inuusan jirin xiddig ka weyn kooxda, taasna ay aheyd midda ugu muhiimsan oo qarisay wax walba, sidoo kalana xassilloonida kooxda sababtay.

“Taasi ma aheyn wax waligeed la ogolaa iney dhacdo” ayuu yiri Wayne Rooney oo wareysi siinayay barnaamijka Men In Blazers TV ee ka baxa NBCSN galabnimada isniinta.

“Ciyaartoyda Ryan Giggs, Gary Neville, Paul Scholes, Rio Ferdinand iyo aniga ayaa ahaa dadka gacanta ku hayay kooxda oo doonayay waxa u wanaagsan kooxda, qofna looma ogolaan inuu qalalaaso abuuro”

“Waxaan aheyn kuwa xukuma qolka labiska, Ferguson uma baahneyn dhabtii inuu xakameeyo, ciyaartoyda waxey heysteen kalsoonida macalinka si ay sidaas u sameeyaan”

Like it? Share it!

Leave A Response