Weerar askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Mandheera

by admin | Wednesday, Sep 11, 2019 | 588 views

Wararka laga helayo Magalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ayaa waxaa ay sheegayaan in Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay duleedka Magaaladaas ku weerareen Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Kenya.

Ciidamada la weeraray ayaa ka yimid dhinaca deegaanka Ceelraam oo hoostaga Magalada Mandheera,iyaga oo sida la sheegay kusii jeeday degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo,halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya kaan mid ah howlgalka AMISOM.

Weerarka oo ka dhacay Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana Saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ay Warbaahinta u sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo mas’uuliyadda weerarkaas sheegtay ayaa waxaa Warar ay ku daabaceen Baraha internet-ka ay ku sheegeen inay weerarkaasi ku dileen 9 Askari oo Kenyan ah sidoo kalena uga gubeen ilaa Afar Gaari wallow warar madax banana oo xaqiijinaya aysan jirin.

Saraakiisha Ciidamada Kenya eek u sugan Gobolka Waqooyi Bari ama Gobolka Gedo dhankooda weli kama hadlin weerarka jidgal ah ee lagu qaado Gaadiid ay la socdeen Ciidamadooda,xilli ay marayeen duleedka Magalada Mandheera.

Inta badan deegaano ka tirsan Gobolka Waqoioyi Bari ee dalka Kenya iyo Gobolada Jubbooyinka iyo gedo ayaa waxaa ka dhaca weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah,kuwaas oo lala beegsado Ciidamada Kenya,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response