Weerar ka dhacay degaan katirsan Shabeellaha Hoose

by admin | Monday, May 9, 2022 | 505 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Sabiid oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka degaanka Sabiid ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka uu ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo socday ku dhawaad hal saacadood.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay dagaalka kaas oo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad Shacab ah, in kastoo tirada dadka ku waxyeeloobay aan si faah faahsan weli loo ogaan.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid Ururka Al-Shabaab, isla markaana khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Sabiid ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u socdaan.

Like it? Share it!

Leave A Response