Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidanka Puntland

by admin | Tuesday, Dec 6, 2022 | 282 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa saaka waaberigii hore waxaa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Buuraleyda ah ee Galgala ee Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic dhowr ah oo ku dhacay Saldhiga iyo agagaarkiisa, sidoo kalena Ciidamada Puntland ay dhankooda tiro madaafiic ah ku jawaabeen.

Weli lama cadeyn khasaaraha ka dhashay madaafiicda, hayeeshee Al-Shabaab oo sheegtay weerarka ayaa waxaa ay sheegeen in ay madaafiicda la heleen Gudaha Saldhiga Ciidamada Puntland, isla markaana khasaaro ku gaarsiiyeen.

Saraakiil katirsan Ciidamada Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in dhankooda ay ka jawaabeen weerarka madaafiicda ah ee kaga yimid dhinaca Ururka Al-Shabaab balse aysan bixin faah faahino intaasi ka dheeraad ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka buuraleyda ah ee Galgala ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Puntland ay halkaasi ka wadaan howlgallo kala duwan iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo ay kaga jawaabayaan weerarka madaafiida ah ee lagu soo qaaday.

Dhowr jeer oo hore ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar hoobiyeyaal ah iyo mid toos ah ku qaadeen Saldhigyada Ciidamada Puntland ay kuleeyihiin degaannada Af-Urur iyo Galgala, waxaana Puntland ay sheegtay inay iska difaacday weeraradaas.

Like it? Share it!

Leave A Response