Weerar Madaafiiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda

by admin | Thursday, Sep 12, 2019 | 563 views

Al-Shabaab ayaa xalay waxa ay weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhiga Weyn ay Ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin Xerada lama galay ee Xaafada Howl-wadaag  Magalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka oo dhacay Xalay fiidkii ayaa la sheegay inay ka dambeysay,kaidb markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay madaafiic dhowr ah Xerada uga soo tureen Jiinka Wabiga dhinaca Galbeed ee Magaalada Baladweyne,sida uu Risaala u sheegay mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan Baladweyne

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Dowladda ee ku sugan Xerada lamagalaay ay rideen rasaas farabadan,waxaana weerarkasi xalay ku dhaawacmay lab qof oo Shacab ah,kuwaas oo degan Xaafadaha ku dhow dhow Xerada Ciidamada Dowladda ee lamagalaay.

In kastoo xaalada Magalada Baladweyne Maanta ay tahay mid degan ayaa hadana wararka aan heleyno waxaa ay sheegayaan in Xaafadaha qaar ee Magalada Baladweyne ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle ka wadaan howlgallo kala duwan,kuwaas oo aan weli la shaacin waxyaabaha lagu soo qabtay.

Like it? Share it!

Leave A Response