Weriyayaasha Muqdisho oo wajahaya xaalad ka daran tan ay hadda ku sugan yihiin

by admin | Wednesday, May 6, 2020 | 605 views

Haddii aad weriye tahay kuna sugan tahay Muqdisho aad u taxadir, sababtoo ah hada xaaladdu waa xarig, jirdil iyo hanjabaad, laalin bilooyin kadib sidaan waa iska badali doontaa arrintu.

Waxaa laga yaabaa in qeyla dhaanta hay’adaha xuquuqul insaanka, midda beesha caalamka iyo ururada saxaafadda ee dhibaatooyinka weriyaasha ay baajin doonto xariga, jirdilka iyo hanjabaada balse uu bilaaban karo dil.

Haddii cadaadiskaan sii socda kuwa weriyaasha dhiba kuma sii dhiiran karaan caburinta balse waxaa laga yaabaa in weriyaasha la dilo, kadibna la sheego in dilkaas ay geysteen kooxo hubeysan oo aan la aqoonin waana halis weyn.

Koox hubeysan ayaa dishay, ama dhaawacday ama uu ka badbaaday adigu meel u raac, ma adigaa yaqaana kooxdaas, yaa soo diray, ma baari kartaa waa maya, aad u taxadir siday ku taliyeen mas’uuliyiinta amniga.

Weriyaasha iyo warbaahinta waxay soo mareen saddex sano iyo bar oo dab ah waxayna hada ku jiraan xiligii ugu adkaa oo dhanka amaanka ah.

Sidoo kale xaaladda Bandowga ah ee guud ahaan saaran dalka ayaa sii adkeyn kartoa xaaladda maadaama aysan weriyaashu ka bixi karin Muqdisho hadii ay dareemaan qatar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saddexdii bishan, maalintii warbaahinta xorta ah waxa uu ballan-qaaday in dowladdiisa aysan u dulqaadan doonin in la dhibaateeyo warbaahinta, hase yeeshee maalinkii xigtay ayaa weriyayaal lagu jir-dilay caasimadda.

Dad badan ma rajeynayaan in dhibka weriyayaasha uu sidan iska beddelo, cidda kaliya ee wax ka qaban karta waa deeq bixiyayaasha caalamiga ah oo cadaadi saara xukuumadda, Iyana ma muuqato.

Like it? Share it!

Leave A Response