Weriye lagu dilay Dagaal ka dhacay Sh/Hoose.

by admin | Wednesday, Aug 14, 2019 | 589 views

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in uu geeriyooday  Wariye Cabdinaasir Gacal Cabdulle ka tirsanaa Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka Sida, isla markaasna ahaa Sawir qaadaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidamada Lugta ee Xoogga dalka General Odawaa.Wariye Cabdinaasir Gacal ayaa ku geeriyooday dagaal ka dhacay  degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada xoogga dalka iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab

Allaha u naxariistee Weriye Gacal ayaa ka mid ahaa tiro Wariyeyaal ah oo maalmo ka hor ka baxay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Awdheegle u joogay soo tabinta wararka deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ciidamada dowladdu kala wareegeen Al-Shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response