Xaaf oo dib ugu laabtey Dhuusamareeb,kana hadley safarkiisii Gaalkacyo

by admin | Thursday, Apr 9, 2020 | 451 views

Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf ayaa xalay dib ugu laabtey Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,kadib markii habeen ka hor uu safar deg deg ah ku tegay Magaalada Gaalkacyo.

Xaaf oo sheegay in uu u tanaasuley Shacabka Galmudug ayaa maalma ka hor waxaa uu tegay Magaalada dhuusamareeb,isaga oo kulan la qaatey Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

War Kooban oo kasoo baxey Xafiiska Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa lagu sheegay in safarka deg dega ahaa ee uu ku tegay Magaalada Gaalkacyo uu ahaa mid isaga u gaar ah,hayeeshee uu dib ugu laabtey Dhuusamareeb.

“Dad badan ayaa siyaabo kala duwan u dhigay safarka Madaxweynaha balse waxaanu u cadeyneyna in arimo gaar u ah isaga uu u baxay Madaxweynuhu dibna ugu soo laabtay Caasimada ayaa lagu yiri”Warka kasoo baxey Xaaf.

Maalmaha soo socda ayaa la filaya in Xaflad kooban lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug,isla markaana uu xilka sirasmi ah ugu wareejiyo Madaxweynaha la doortey ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Like it? Share it!

Leave A Response