Xaaf oo ka baxay heshiiskii uu la galay Dowladda Federaalka

by admin | Monday, Sep 30, 2019 | 553 views

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynihii Maamulka Galmudug ee waqtiga xilheyntiisa ay dhamaatay ayaa ka abxay heshiiskii uu kal hore la galay Dowladda Federaalka, isaga oo sheegay in mas’uuliyadii doorashada Galmudug uu kala laabtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Qoraal uu xalay Saqdii Dhexe uu soo saaray ayuu ku sheegay in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya aysan u marin wadadii loo baahna in loo qabto dib u hishiisiin sax ah ee Galmudug.

Sidoo kale Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug ayuu ugu baaqay inay isugu yimaadaan ugu dambeyn 10/10/2019 si loo dardar-geliyo howlaha Maamulka.

Ugu dambeyn waxa uu waxgaradka iyo siyaasiyiinta reer Galmudug ugu baaqay in ay ka tashtaan sidii loo dhisi lahaa Galmudug loo dhanyahay.

Like it? Share it!

Leave A Response