Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay gobolka Darfur

by admin | Tuesday, Apr 6, 2021 | 317 views

Dowladda Suudaan ayaa xaalad deg deg ah uga dhawaaqday galbeedka gobolka Darfur kadib dagaal beeleedyo ka dhacay halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 40 qof halka kumanaan kale ay ka barakaceen.

Isnintii, Qaramada Midoobey waxay sheegtay in ugu yaraan 40 qof lagu dilay dagaalka halka in ka badan 50 qof ay ku dhaawacmeen kadib uu dagaal dhexmaray labo qowmiyadood oo degan magaalada El Geneina.

Dhawaaqa rasaasta ayaa galabnimadii shaley aheyd laga maqlayay deegaanada u dhaw magaalada, sida ay sheegtay Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobey waxay intaas ku dartay in xiisad ay weli ka taagan tahay magaalada xilli labada dhinac ay ciidan uruursi sameynayaan.

Waxaana hakad galay howlaha gargaarka isla markaana waxaa la hakiyay diyaaridihii gargaarka geyn jiray halkaas tan iyo inta amniga deegaanka laga xaqiijinayo.

Like it? Share it!

Leave A Response