Xadka Qaynuuniga ah iyo Suxufinimada Soomaaliya maxaa kala haysta?{warbixin}

by admin | Thursday, Feb 6, 2020 | 700 views

Xadka Qaynuuniga ah;– Xaq ayuu u leeyahay qof kasta in uu si madaxbanaan u cabiri karo Ra’yiiisa una faafin karo,taasi waxay ka midtahay Xuquuqda aadamiga ah ee caalami ahaan la wada aqoonsanyahay.

Macnahu ma,ahan markii sidaas la leeyahay in dadka lo ogolyahay in Ra’yigooda iyo afkartooda ay u cabirkaraan si xadka aadamiga ah dhaafsiisan.taasi wadamda sharcigu ka jiro waxaa lagu mutaystaa ciqaab Maxakamadeed hadii dacwad lagu so oogo.

Qofka kasta wuxuu Muhiim ah in sharciyada Deegaanka u ku noolyahay ama u joogo aqoon fiican u leeyahay hadii uu yahay shacab iyo saxafi intaba ,taasi waxay qofka uu suurta galinaysa in uusan ka tilaabsan xaduuda sharcigu u xadaynayo.

Wadanka kasta markii Dowlada ka jirta laga so tago waxaa ka jira Ururo kal duwan,kuwaaso u shaqeeya dadka isku danta ah ee ku bahoobay ururkaasi samaytana xeer ixtiraamaya sharciyda dalkooda u degsan.

Tusaale Soomaaliya Ururada Saxaafadeed waxaa meelaha ay ka shaqeeyan Maamulka ka jira u damaanadqaadan in ay ixtiraamayan sharciyada degsan ee xad kudubka ku ahayn Xoratul qowlka,Dowladana aysan wax faraglin iyo galaangalan ku yeelan shaqada saxaafada iyo Madaxbanaanideeda.

Haddaba maxaa keena hadii uu sharcigaasi u jiro in maalinkasta aad maqshid wariye ayaa la xiray amma idaacad hebal iyo Dowlada ayaa is haya? Ma,ahan cilada Dowlada iyo Ururada warbaaahinta ee waa Suxufinimada Soomaaliya ka jirta qaar .

Suxufiyiintu waxay saameyn ku leeyihiin ra’uyul-caamka guud ee dadweynaha iyo miisaan ka bulshada dhexdeeda,waxaa fudud aaminaad dadku ku qabaan marka uu so qoraan war ama ka sheegan hay’adooda warbaahineed.

Waxaa xusid Mudan in Wariyaal badan oo soomaaliyeed ay leeyihin awood weyn oo dhinaca wax qorista iyo baahinta ah,kuwaaso tobobaro warbaahineed ka helay xarumihii ay ku shaqo bilaaben kadibna aqoontooda saxaafadeed ka kororsaday

Saxafiga wanaagsana wuxuu Dadka u sameeya wargalin,waxbaris iyo Madadaalo.wargalintiisu waxay noqota mid xaqiiqa ah oo dadka ka caawisa inay ku fakeraan waxa sida gaarka u bulshadooda u waxyeelayn kara.

 

Saxafiga wanaagsan waa midka kala saara xogta u so uruuriyay isagoo kaashanaya aqoontiisa saxaafadeed lana wadaagaya tafatirihiisa ama Agaasimhiisa,mar waliba kama caajiso in uu dabagal iyo baaritaan ku sameeyo sheekooyinka uu maqlo.

Saxafiga wanaagsan ma,ahan mid ku dag daga faafinta wararka ay la wadaagan ama u so diraan dadka Xiriirka wada shaqeeneyd uu ka dhaxeeyo ilaa uu ka hubiyo xaqiiqdeeda una helo cadaymo hadii la qabsado uu hadhow uga fakan karo sharciga lo cuskanayo.

Saxafiga wanaagsan mar waliba waxaa uu dhawraa hogaanka jidka warka loo maro oo ah in uu sameeyo sugnaasho,adeegsado erayo jilicsan,taaso ay xiiseeyaan dadka ku xiran isaga iyo Hay’ada warbaahineed uu ka shaqeeyo.waana shaqadii tafatirka oo u fududeeyay.

Saxafiga wanaagsan ma ahan mid muhiimad siiya oo taageera aragti koox qura ay qabto ,waa midka dadka kala aragtida duwan isku keena si bulshoweyntu u ogaadan kala duwanasha dad kala aragtida duwan uskuna kala raacan sida aysku aragtida u yihiin,si qof waliba u helo waxa u madan yahay..

 

 

Like it? Share it!

Leave A Response