Xagee ku danbeyn lahayd dowladda Xasan Sheekh?

by admin | Thursday, Aug 4, 2022 | 323 views

Xasan Sheekh Maxamed ayaa ahaa Madaxweynaha Soomaaliya 2012 ilaa 2017 ka hor inta aan mar kale loo dooran Madaxweynaha Soomaaliya May 15, 2022. Mudadii u dambaysay ee uu madaxweynuhu xilka hayay waxa uu galay khaladaad badan oo ay dad badani moodayeen in uu wax ka bartay. Madaxweynaha ayaa la sheegay in xilligiisii hore uu isku dayay in Muqdisho uu ka dhiso dowlad dhexe.

Sababtu waxay ahayd in Madaxweynaha lagula taliyey in maadaama Soomaaliya markaas beesha caalamku u aqoonsatay dawlad sharci ah, Madaxweynuhu uma baahna in la heshiisiiyo ummadda Soomaaliyeed; taas bedelkeeda, waxa ay ahayd in uu fuliyo ajandaha dawladiisa si kasta oo loo baahdo. Isla markiiba Madaxweynaha ayaa bilaabay in uu sameeyo maamul goboleedyo cusub isaga oo aan u ogolaanin in maamul goboleedyadaas ay hoos ka soo dhisaan ogolaanshahooda. 

Madaxweynuhu waxa uu damacsanaa in dawladahaas ay ka caawiyaan ololihiisa doorashada. Laba sano iyo bar oo uu xilka hayay, Madaxweynaha ayaa ugu dambeyntii garowsaday in maamulkiisu uu sii dhamaanayo. Soomaaliya waxay u baahneyd dib u heshiisiin iyo doorasho ay dhammaan dhinacyada ay khuseyso isku raacaan.

Sidaa darteed, Madaxweynuhu waxa uu go’aansaday inuu sameeyo gole ka kooban dhammaan madaxweynayaasha dawladaha xubnaha ka ah si ay ugu heshiiyaan nooca doorasho ee la qaban karo muddada ka hadhay muddo xileedkiisa. Intii lagu guda jiray ololaha doorashadaas, madaxweyne Xasan ayaa halku dhiggiisu ahaa in howshaas uu dhameystiri karo qofkii bilaabay. Nasiib darro, waagaas madaxweyne, Xasan waa ku guul darreystay doorashadiisa, waxaana Madaxweyne Faramaajo la doortay 2017.

Madaxweyne Xasan ayaa arkay in Madaxweyne Faramaajo, uu galay qalad la mid ah kii uu galay labadii sano iyo bar ee ugu horeysay, wuxuuna ku adkeystay inuu wado kalitalisnimo ilaa ay ka dhamaato dowladdiisa.

Madaxweyne Xasan ayaa markii labaad ee uu isku soo taagay xilka Madaxweynaha la yimid hal ku dhig ka duwan kii hore oo ah sidii uu u arki lahaa Soomaalida dhexdooda oo nabad ah, nabadna la ah beesha caalamka. Dad badan ayaa rumaysnaa in Madaxweyne Xasan uu waayo-aragnimo badan ka helay xukuumaddiisii hore iyo shantii sannadood ee u dambeeyay ee Madaxweyne Faramaajo; Madaxweyne Xasan ayaa ahaa musharraxa ugu wanaagsan dhammaan dadkii u tartamayey xilka madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, waxa ay u muuqatay in uu xasuustiisa lumay markii Madaxweyne Xasan la doortay. Madaxweyne Xasan ayaa ku guuleystay Madaxtinimadiisa in ka badan 210 cod, taasoo oo kaliya uu ka helay wareegiisii koowaad wax ka yar lixdan cod. Dhammaan musharixiintii kale oo arkay in Xasan uu fursadda ugu wanaagsan ka haysto madaxweyne Faramaajo ayaa codkooda ku darsaday. 

Dhammaan musharixiintaas ayaa madaxweyne Xasan ka filayey inuu kala tashado si uu u soo dhiso dowladdiisa maadaama ay ka qeyb qaateen guushiisa. Taas beddelkeeda, Madaxweynuhu wuxuu soo magacaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo ka tirsanaa xisbigiisa, isagoo aan cid kale kala tashan. 

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale 66-kii maalmood ee ugu horeysay ee dowladdiisa waxa uu socdaal ku tagay ugu yaraan 7 dal, halkaasoo dadka Soomaaliyeed ay ka sugayeen inuu dib u heshiisiin ka sameeyo Soomaalida dhexteeda.

Ugu dambeyntii dowladda ayaa la soo dhisay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu soo magacaabay dhammaan Wasiirada, balse waxaa weli jira dad badan oo u maleynaya inay ka qeyb qaateen guusha Xasan, oo aan xubin ka aheyn dowladda cusub. 

Waxa la yidhi taariikhdu way soo noqnoqodaa. Hadda waxa ay u muuqataa in Madaxweyne Xasan uu laba sano iyo bar ka dib baran doono in waxa uu isku dayayey aysan u socondoonin, waxaana laga yaabaa in uu ogaado mar danbe in Soomaaliya ay u baahan tahay dib u heshiisiin ka hor wax kasta

Like it? Share it!

Leave A Response