Xaliimo Yarey: Dan gaar ah ayaa hortaagan doorashada

by admin | Saturday, Jul 4, 2020 | 428 views

Gudoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa iska fogeysay eedda ah inay kaga sii dartay xaaladda siyaasadeed ee dalka, ka dib markii ay sheegtay inaanan doorashada lagu qaban karin xilligeeda.

Mar ay 27-kii bishii June hortagtay Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxay ka hor sheegtay inaysan doorashada ku qabsoomi karin waqtigii loo muddeeyay, taasoo ay siyaasiyiin badani aad uga caroodeen.

Su’aal la weydiiyay oo ahayd mala is dhihi karaa arrin murun keentay oo xaalkii wadanka uga sii dartaa la timid? Ayaa waxay ku jawaabtay “Aniga murun arrin keentay ma aanan keenin.”

Waxa kaloo ay tiri “Doorashada waxaa hortaagan dan gaar ah, aniga sida ii muuqato, laakiin ma rabo arrimahaas siyaasadeed inaan galo. Su’aasha aad aniga i weydiisayna dad kale ayay khuseysaa, ee ani ima khuseyso.”

Xaliimo Yarey oo ka qayb qaadaneysay Barnaamijka Doodda Jimcaha ee BBC ‘Waxa ay ila tahay’ ayaa dhanka kale codsatay inaanan Guddiga Madaxdabanaan ee Doorashooyinka Qaranka loogu yeerin Guddiga Xaliimo Yarey, maadaama ay iyada oo qura aanay metelin guddigaasi.

“Waxaan madaxda, dadweynaha iyo inta Soomaaliya daneyneysa ka codsanayaa Xaliimo Yarey, guddigeeda inaanan la dhihin. Guddigaas waa Guddiga Doorashada Madaxabannaan oo soo wada shaqeeyay, oo isa soo wada garabsaday, oo go’aanka soo wada gaaray, meeshaasna soo gaarsiiyay. Ma’ahan Xaliimo keliya,” ayay tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkan Xaliimo Yarey ayaa jawaab u ah Siyaasiyiinta Mucaaradka, oo si kulul ugu eedeeyay Guddiga Xaliimo Yarey in uu ku fashilmay waajibaadkii qaran ee kal hore loo wakiishay.

Like it? Share it!

Leave A Response