XAQIIQO: Manchester United Oo Wada-hadallo La Bilowday Macallinkii Beddeli Lahaa Jose Mourinho

by admin | Saturday, Oct 6, 2018 | 995 views

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa wada-hadallo la bilowday tababarihii beddeli lahaa Jose Mourinho oo la filayo in shaqada uu ka tago.

Ilo wareedyo Manchester United gudaheeda ah ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ed Woodward oo ay wehelinayaan masuuliyiin kale oo ka tirsan Manchester United ay wada-hadallo la yeesheen tababaraha Tottenham ee Mauricio Pochettino, kaas oo ay isla soo qaadeen inuu qabto shaqada laga caydhinayo Mourinho.

Manchester United oo sidoo kale lala xidhiidhinayo Zidane ayaa waxay doorashadeeda koowaad ka dhigatay Pochettino oo ay dag tahay inuu si sahlan kaga tago Tottenham.

Sida uu qoray wargeyska Independent, Ed Woodward ayaa doonaya in haddii ay u suurtogasho uu tababarenimada kooxda u magacaabo Pochettino oo uu ku qanacsan yahay aqoonta uu u leeyahay horyaalka Premier League iyo shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay Tottenham sannadihii uu joogay.

Advertisement

Haddii ay Manchester United ku guuldarraysato inay hesho macallinka reer Argentina ee wada hadalladu u bilowdeen, waxa markaas ay uga wareegi doontaa Zidane oo in badan diiraddu u saarnayd iyo tababarihii hore ee Chelsea ee Antonio Conte.

Si kastaba ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sida uu noqdo xaalka United.

Like it? Share it!

Leave A Response