Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Afartii Gool Ee Uu Mohamed Salah Ka Dhaliyay Kooxda Watford.

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1195 views

Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa qarka u saaran in uu ku guulaysto kabta dahabka ah ee gool dhalinta horyaalka Premier League inkasta oo uu xili ciyaareedkiisii ugu horeeyay ku qaaanayo Anfield laakiin waxa uu sidoo kale dariiqa u saaran yahay in uu ku guulaysto abaal marinta Premier League ugu qaalisan ee xidiga sanadka horyaalka Ingiriiska ugu fiican.

Ma jiro xidig aan ka ahayn Kevin De Bruyne oo Mohamed Salah ka hor joogsan kara abaal marinta xidiga sanadka laakiin xidiga ree Masar ayaa qof kasta ku qasbaya in uu hadda u aqoonsado xidiga sanadka ee horyaalka Premier League ugu fiican kadib markii uu sii laba jibaaray wax qabadkiisa xili ciyaareedkan.

Haddaba halkan kaga bogo xaqiiqooyin laga diwaan galiyay afartii gool ee uu Mohamed Salah ka dhaliyay kulankii ay Liverpool guusha wayn ka gaadhay Watford.

Mohamed Salah wuxuu noqday xidigii ugu horeeyay ee Afar gool ku dhaliya afartii kubad oo uu goolka la beegsaday hal kulan tan iyo Andrey Arshavin kaas oo isagoo ka tirsan Arsenal ku sameeya Liverpool April 2009.

Mohamed Salah wuxuu noqday xidigii ugu horeeyay ee ka tirsan Liverpool isla markaana dhaliya afarley tan iyo Luis Suarez kaas oo shabaqa kasoo taabtay Norwich City – December 2013.

Mohamed Salah wuxuu noqday Masaarigii ugu horeeyay ee sadexley ka dhaliya Premier League.

Wadanka Masar ayaana noqotay wadankii 43-aad ee Xidigaha kasoo jeeda ay sadexley ka dhaliyaan horyaalka Premier League.

Sidoo Kale Dalka Masar ayaa noqday wadankii 10-aad ee Africa ah isla markaana ciyaartoyda kasoo jeeda ay sadexley ka dhaliyeen tartankaan.

Mohamed Salah wuxuu dhaliyay 36-gool xilli ciyaareedkaan dhamaan tartamada oo dhan, waana xidigii ugu badnaa ee sidaas sameeya xili ciyaareedkiisa ugu horeeya ee Liverpool.

Mohamed Salah ayaa dhaliyay 28-gool kulamada horyaalka Premier League, kaliya hal xidig oo kasoo jeeda Africa ayaa hal xilli ciyaareed goolasha laga dhaliyo horyaalka kaga badan waana Drogba oo 29-gool dhaliyay 2009/2010.

Like it? Share it!

Leave A Response