Xarun ay laheyd Shirkadda Hormuud oo la gubay iyo faahfaahin laga helay

by admin | Wednesday, Jan 16, 2019 | 917 views

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa xalay gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud.

Ciidamadan oo watay Gaadiid gaashaaman ayaa waxa ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose.

Ciidanka ayaa jirdilay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah.

Waxaa weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaannada Calibuley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray Xarunta la Gubey ee Calibuley, xarumahaan ayaa Shacabka halkaas ku nool siin jiray adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool.

Ciidanka Kenya ayaa sidaan oo kale u burburiyey xarunta Calibuley Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqoneyso markii labaaad oo geystaan Falkaan Burburinta ah, waxay Ciidankani horay u burburiyeen Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii 7aad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aad u badan, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan.

Like it? Share it!

Leave A Response