Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan Oo xeran iyo fadeexad soobaxday{warbixin}

by admin | Sunday, May 20, 2018 | 1089 views

Waxaa gebi ahaanba istaagtay mudo ku dhow bil Shaqadii ka socotay Xarunta maamulka gobolka Hiiraan ee Magalada Baladweyne,kadib markii fatahaada Wabiga uu saameyn ku yeeshay.

Dhammaan qolalkii Xarunta ayaa ay  biyo fadhiisteen iyo Wadada hormarta Xarunta taas oo sababtay in aysan wax Shaqo ah ka socon Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan.

Sawiro laga soo qaaday ayaa muujinayay dhammaan Gudaha Xarunta oo ay biyo dhex jiifaan,isla markaana aan gudaha loo geli Karin.

Fatahaada ayaa si iskumid ah waxa ay u saameeyeen Xarunta Maamulka Gobolka Hiiraan,kan degmada iyo Xafiisyada kala duwan ee Maamulka,sidoo kale Xafiiska Gudoomiyaha Maamulka Gobolka ayaanan xilligaan wax Shaqo ah ka socon.

Badi dadkii ku noolaa Xaafadaha kala duwan ee Magalada Baladweyne Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa barakacay,iyaga oo ka cabsi qabay in saameyn uu ku yeesho Wabiga fatahaada sameeyey.

magaalada  baladweyne waxaa  ka jirta xaalad adag  oo dhanka nolosha  ah.

Like it? Share it!

Leave A Response