Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tagaya Kismaayo

by admin | Monday, Nov 19, 2018 | 816 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu waddaa in saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda ah Hoggaamiye Xisbi, waxaana Magaalada Muqdisho iyo gobolada qaar uu ka waddaa Ololo xooggan oo ku aadan Caanbixinta Xisbiga uu hoggaamiyaha ka yahay.

Diyaar Garowga soo dhaweynta Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka socota Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Jubbaland.

Booqashadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa imaanaya xilli uu xoogeysatay Khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadda.

Like it? Share it!

Leave A Response