Xasan Sheikh oo ogolaaday qorshe niyad jab ku ah V/Somalia oo ay u bandhigeen Mucaaradka?

by admin | Monday, Jul 30, 2018 | 1172 views

Illo Xog ogaal ah ayaa inoo sheegay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud uu ogolaaday qorshe ay u bandhigeen Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Dowladda madaxweyne Farmaajo ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada & Siyaasiyiinta oo kullamo gaar gaar ah la yeeshay Xasan Sheikh Maxamuud,madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa ka dhaadhiciyay in la sameeyo isbaheyso dagaal siyaasadeed adag la sameeya Maamulka Villa Soomaaliya si aysan mar kale ugu guuleysan doorashada lagu wado iney dalka ka dhacdo sanadka 2020-ka iyo in la maja xaabiyo siyaasadaha guracan ay dalka ka wadaan.

 

Shirar ka dhacay magaalada Nairobi oo ay isugu yimaadeen kooxaha ka horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu go’aamiyay in awood la siiyo musharax madaxweynimada Xasan Sheikh Maxamuud si looga adkaado Xukuumadda Nabad iyo Nolol oo dooneysa iney mar kale soo noqdaan.

 

Xildhibaan Mahad Salaad,Xildhibaan Fiqi iyo Siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo hadda ugu madax fiiqan Mucaaradka Dowladda ayaa si gaar gaar ah iyo mid guud ula kulmay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo hadda ku sugan dalka Turkiga,waxayna isla meel dhigeen sidii wadajir loogu wajihii siyaasadda doorashada soo socota,waxayna heshiis buuxda ka gaareen xurguf siyaasadeed oo horay u dhexmartay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd shaacisay iney soo waddo Xisbi weyn oo musharax u yahay madaxweyne Farmaajo sanadka 2020-ka,waxayna Xisbiyada siyaasadeed kula dardaarmeen iney feejignaadaan si aan looga hoos bixin

Like it? Share it!

Leave A Response