XASUUS: Maxay Ahaayeen Afartii Kalmadood Ee Cristiano Ronaldo Yidhi Markii Uu Ku Biiray Manchester United Sannadkii 2003

by admin | Tuesday, Oct 23, 2018 | 1125 views

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa caawa ku laabanaya garoonkii uu caanka ku noqday ee Old Trafford oo kooxdiisa Juventus ay kula ciyaari doonto Manchester United.

Laacibkan oo Manchested United uga wareegay Real Madrid sannadkii 2009 ayaa waxa uu xagaagii ku biiray Juventus oo lacag badan ku iibsatay, hase yeeshee magaciisa ayaa ka bilaabmaya garoonka Old Trafford.

Sannadkii 2003 ayey Manchester United kasoo qaadatay kooxda Sporting Lisbon oo uu markaas uun ugu soo dallacay kooxda koowaad, waxaana uu markiiba noqday ciyaartoy weyn oo dunida laga ixitraamo, isagoo kula guuleystay koobab badan ka hor intii aanu 2009 uga wareegin Real Madrid.

Toddobaadkiisii koowaad ee Old Trafford, waxa uu Cristiano Ronaldo muujiyey inuu ka wanaagsan yahay xiddigo badan oo udub-dhexaad u ahaa qorshaha tababarihii xilligaas ee Sir Alex Ferguson, waxaana waraysi uu siiyey warbaahiinta uu iskii iskugu magacaabay inuu yahay laacib ka wanaagsan ciyaartooyo badan.

Isaga oo u warramayay wargeyska Times, Fortune ayaa ka sheekeeyey hab-dhaqankii uu Cristiano Ronaldo lasoo galay United iyo hadalladii ugu horreeyey ee  uu asxaabtiisa la wadaagay.

“Inta uu kuu yimaaddo oo xabbadka ku saaro ayuu kugu odhanayay, aniga ayaa kaa wanaagsan.” Sidaas waxa yidhi Fortue oo ka sheekeeyey hadalladii sida lama filaanka ah uu Cristiano Ronaldo ula wadaagi jiray asxaabtiisa.

“Waxa aan xasuustaa isaga oo toddobaadkii koowaad dhex socda qolka lebbiska oo leh ‘Anigaa dunida u wanaagsan’, waxaana la yaabay Roy Keane, Scholes, Giggs, Van Nistelrooy iyo dhamaan qolka joogay.” ayuu mar kale yidhi Fortune.

Mid ka mid ah ciyaartooyada ayaa markaas ku yidhi: “Lambarka 7 waxa aad sii xidhnaanaysaa inta uu Beckham soo laabanayo”, wuxuuse ugu jawaabay: “Kaasi wuxuu caadaystay inuu isaga cuno.”

Fortune waxa kale oo uu tibaaxay in shaxshax dheeraad ah uu qolka lebbiska kusoo kordhiyey Ronaldo markii uu yimid.

“Waxa uu xidhan jiray saraawiil ku dhejisan, marka aanu ku nidhaahno iska daa, waxa uu noogu jawaabi jiray “Kani waa Versace” amaba “Waa Gucci”, anaguna waxaanu ku odhan jirnay “Nama khusayso”. Laakiin si fiican ayuu u qaadan jiray, anaguna hadal xun kumaanu odhan karaynin sababtoo ah marka uu ciyaarta ku jiro wuxuu u shaqayn jiray si tusaale u noqon karaysa qof kasta.” Sidaas ayuu mar kale yidhi Fortune.

Like it? Share it!

Leave A Response