Xiisad dagaal wali ka taagan Maxaas

by admin | Sunday, Dec 23, 2018 | 779 views

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Maleeshiyo beeleed ayaa wali ka taagan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Maleeshiyaadka ayaa dagaallamay labadii maalmood ee lasoo dhaafay, waxaana wali ay waddaan Abaabul dagaal xilli maamulka Hirshabeelle uu ku guuldareystay in uu kala qaado Kooxaha dagaallamaya.

Dagaalkii ugu dambeeyay waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 ruux , waxaana uu salka ku haya aano qabiil.

Maleeshiyaadka ayaa ku dagaallamayay maalmihii lasoo dhaafay degaanada hoos yimaada degmada Maxaas, waxaana xusid mudan in horay halkaasi uu kaga dhacay dagaal ay ku dhinteen dad badan.

Like it? Share it!

Leave A Response