Xiisad ka dhalatay Khilaafka u dhexeeya Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo duqa magaalada oo ka taagan Baladweyn.

by admin | Thursday, Nov 1, 2018 | 867 views

Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Yuusuf Dabageed, ayaa shaqo joojin ku sameeyay  duqa magaalada Beledweyne Cali Cabdulqaadir Faarax, xoghayaha Dowlada Hoose Cabdixakiin Maxamuud Xasan iyo Agaasimaha Dhul Bixinta Xuseen Maxamed Fiidow.

Masuuliyiintan, ayuu ku eedeeyay iney lunsadeen Hanti-Dadweyne, taasoo loogu talagalay Shacabka ku dhaqan Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dabageed oo sidoo kale Ciidamada amar siiyay, ayaa xabsiga loo taxaabay xoghayaha Dowlada Hoose Cabdixakiin Maxamuud Xasan iyo Agaasimaha Dhul Bixinta Xuseen Maxamed Fiidow, Iyadoo uu xariga iska diiday duqa magaalada Cali Cabdulqaadir Faarax.

Yuusuf dabageed oo Saxaafada la hadlay, ayaa sheegay in sharciga cid aksta uu qabanayo ragan ayuu tilmaamay in loo xiray sida Madaxda, xabsigana aan laga soo deyn karin ilaa amar danbe.

Like it? Share it!

Leave A Response