Xiisad ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Sanaag

by admin | Monday, Jun 17, 2019 | 668 views

Xiisadaas ayaa saakay waxaa ay ka taagan tahay deegaano hoostaga Magalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag,waxaana ay u dhaxeysaa ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliland iyo dadka deegaanka Damalla-xarage.

Xiisadaas ayaa ka dambeeysay, kadib markii qaar ka mid ah Shacbaka ku nool deegaanka Damalla-xarage ay Calanka Soomaaliya ka taageen deegaankaas, hayeeshee taasi ay keentay inay Ciidamada Soomaaliland ka caroodaan,isla markaana rasaas ay fureen uu ku dhaawacmay hal ruux.

Wararka aan saakay ka heleyno deegaanka Damalla-xarage ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay ay Ciidamada Millateriga Soomaaliland wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan, iyada oo weli ganacsiga iyo isku-socodka dadka iyo deegaanka aan weli la furin.

Dadka deegaanka Damalla-xarage qaarkood ayaa shalay ka carooday rasaastii ay ku fureen Ciidamada Soomaaliland,waxaana taasi ay keentay in Soomalailand ay Ciidamo horleh geyso deegaano ka tirsan Gobolka Sanaag.

Deegaanada Yubbe iyo Damalla-Xarage ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Soomaaliland,waxaana Ciidamadaas ay tira ka dhowr jeer isku-dhacyo ay dhexmareen Ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliland.

Xiisada u dhaxeysa Soomaaliland iyo Puntland oo horay uga taagneyd deegaano ka tirsan Gobolka Sool ayaa haatan u soo wareegtay gobolka Sanaag,waxaana dhawaan kulamo Magalada Badhan ku dhexmaray Wasiirka Amniga Puntland iyo Odayaasha Dhaqanka ay uga hadleen sidii Puntland ula soo wareegi laheyd deegaanda ka maqan ee Gobolada Sool iyo Sanaag.

Like it? Share it!

Leave A Response