Xiisad u dhaxeysa wariyaasha iyo maamulka gobolka hiiraan ayaa ka taagan magalada baladweyne.

by admin | Wednesday, Apr 4, 2018 | 999 views

Wararka naga soo garaya magalada  baladweyne ee xarunta gobolka  hiiraan aya sheegaya  in  ay jirto xiisad u dhexaysa wariyasha  ka howgala magalada baladweyne    iyo maamulka  gobolka hiiran .

Xiisadaan ayaa timid ka dib markii  ay warbixino  ka diyaariyen wariyasha  gdib u soo laabashada ciidamada dowlada soomaaliya iyo kuwa amisom oo dhawaan ka baxay magalada baladweyne    si  ay u furan wadooyinka    go’doonsan   ee  u dheeya  degmada buula barde iyo magaalada   baladweyne.

Saraakiil ka tirsan kuwa hor kacayay howgalkaas  oo dib ugu laabataya magaalada baladweyne ayaa sheegay in leysku qabsaday cida wax laga weydiinayo howlgal  ka dibne ay is qilaafeen saraakiisha   amisom   iyo maamulka gobolka    ayna dib u soo laabteen.

Dhawaan filo  warbixino kale

Like it? Share it!

Leave A Response