Xiisada Somalia iyo Kenya: Wargeysyada dalka Kenya oo weeraray dowladooda

by admin | Wednesday, Feb 20, 2019 | 893 views

Qormooyin isdaba joog ah ayay wargeysyada gudaha ka qoreen khilaafka Kenya iyo Soomaaliya, iyagoo sidoo kalana dhiran-dhiriyay doodaha labada dal ay is dhaafsanayeen tan iyo Sabtidii.

Wargeyska Daily Nation ayaa hilfaha u qaaday doodda Dowladda Kenya ee ku aaddan muranka badda, iyo inaysan sugin xukunka Maxkamadda Caalamiga ICJ.

KENYA OO KA CABSATAY UGANDA, SOOMAALIYA AYEY KU ORDEYSAA!

Qormo aragtiyeed uu qoray wariye Macharia Gaitho ayuu ku ceebeeyay siyaasadda arrimaha dibedda Kenya, isagoo soo qaatay sida illaa hadda Dowladda Kenya uga aamusan tahay jasiiradda Migingo ee ku taalla Lake Victoria oo muddo toban sano ka badan ay gacanta ku hayaan Ciidamada Uganda, iyadoo dadka ku nool halkaasi ay yihiin Kenyan.

“Dadkaasi waxay hadda arkaan sida ay u ad-adag tahay Kenya marka dhulkeeda lagu soo xadgudbo. Nasiib darro, iyaga waxba uguma toorna laakiin [halka laga hadlayo] waa dhul biyood aan cidna deganeyn oo dacalka kale ee dunida ku yaal,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Macharia Gaitho

‘BILAA DIBLOMAASIYAD’

Wariyaha qormadiisa oo dheereyd, ayuu markale ku weeraray hab dhaqanka “bilaa diblomaasiyadda” ah ee ay ku kacday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Kenya, gaar ahaan Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau, oo warqad dalka looga ceyrinayo danjiraha Soomaaliya soo saaray.

“Warqadda, waxay mararka qaar xambaarsaneyd, calaamadda bilaa diblomaasiyadda ah, kana arradan is-xakameynta ee Xoghayaha Joogtada Macharia Kamau,” ayuu ku yiri qormadiisa.

TALLAABADA KENYA QAADI KARTO?

Wariyuhu wuxuu miisaamay (haddiiba ay dhacdo) tallaabada Kenya qaadi karto. Wuxuuna yiri:

“Warqadda [Kenya] way ka aamustay waxa xaqiiqo ahaan Kenya sameyn karto. Midda muuqan karta ayaa ah inay hubiso inaysan Soomaaliya, oo aan ciidan bad iyo mid cir lahayn, si muuqata u qaadan karin saddex xagalka lagu muransan yahay ee badweynta.”

“Ciidamada Kenya waxay kaloo awoodaan inay horjoogsan karaan shirkadaha British-ka iyo Norway ee shidaalka.”

LABO ARRIMOOD OO KALE

Wariyaha qormadan qoray Gaitho wuxuu kaluu soo qaaday labo arrimood oo kale: Ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo 400,000 qoxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Kenya.

Wuxuu sheegay in isku dayo hore oo Kenya ku rabtay inay Soomaalida qoxootiga ku ah isaga saarto ay cadaadis kagala kulantay beesha caalamka, waxa ugu fudud ee ay sameyn kartayna ay ahayd barnaamijka dib u celinta mutadawacnimada ee labada dowladood iyo Qaramada Midoobay wadajirka u wadaan.

Halka ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya, wariyuhu ku sifeeyay kuwo markii horeba danaha Kenya u aaday halkaa, markii dambana magac bedeshay oo AMISOM ku biiray si ay soohdin difaac Kenya uga sameeyaan weerarada al-Shabaab.

“Ciidamadu waxay si caatanimo ah ugu fidsan yihiin dhulka iyagoo gadaal ka jooga xeryo lagu gedaamay derbiyo waaweyn, halka al-Shabaab si xor ah ugu meereysato dhulka miyiga intiisa kale, laakiin joogitaanka ciidamada [Kenya] waxay dhego iyo indho u tahay hawlgallada iyo dhaq-dhaqaaqa argagixisada. Sidaa darteed, waxaa dhacda in danta Kenya ay tahay inay Soomaaliya ku sii jirto.” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

QORMO KALE:

Qormo tafatireed kale oo isla wargeyskan Daily Nation lagu daabacay ayaa ku talo bixisay in Kenya iyo Soomaaliya sida ugu fiican ee khilaafka ku xallin karaan ay tahay “wada hadal” saaxiibtinimo!!.

Like it? Share it!

Leave A Response