Xiisadda Siyaasadeed ee Baarlamaanka oo xoogeysatay

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1065 views

Maxamed Sheekh Cismaan jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay Bartilmaameedka weerarka lagu soo qaday Golaha Shacabka Soomaaliya inuusan aheyn mid lagu tiigsanaayo Shaqsi ahaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, balse qorshaha uu yahay bur burinta Baarlamaanka 10-aad ee dalka.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in Xukuumadda ay doonayso inay bur buriso Baarlamaanka dalka, arrintaasina uu kaga digaayo Xildhibaanada Soomaaliya inay aqbalaan.

Isaga oo hadlaka sii wata Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa sheegay inuusan shir Gudoomin karin kulamada looga hadlaayo Mooshinka isaga ka yaal Baarlamaanka, laakiin Gudoominta arrintaasi ay leeyihiin Ku xigeenadiisa.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay inuu ogol yahay in Xildhibaanada Mooshinka keenay ay soo dhameystirtaan tirada codeynta Mooshinka loogu talo galay, islamarkaana la geeyo Xildhibaanada hortooda oo cod lagu kala baxo.

Inkastoo ay hadda taagan tahay xiisad siyaasadeed oo aad u adag una dhaxeysa Xukuumadda iyo Baarlamaanka Somaliya, ayaa dadka falanqeeya siyaasadda Somaliya waxa ay sheegayaan in la arki jiray Baarlamaanka eryanaya Xukuumadda iyo Ra’iisal Wasaaaraha, balse xaaladda taasi iminka ay ka duwan tahay oo la arkaayo Xukuumad eryanaysa Gudoomiye Baarlamaan.

Like it? Share it!

Leave A Response