Xildhibaan Cosoble;”Waxaan maqalnay in dowlada tanaasul ka sameyneyso arrinta badda.”

by admin | Thursday, Jul 11, 2019 | 748 views

Xildhibaan Cabdqaadir Cosoble Cali oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Federalka ayaa  sheegay in  uu jiro tuhun ah in dowlada federalka lagu cadaadinayo in ay tanaasul ka sameyso arrinta badda ee hortaal maxkamada caalamiga ah ee ICJ.

 

“Maalmahaan waxaan maqlaynay in Safaarado iyo dalal ay dowladda ku riixayaan in kiiska badda lagu dhameeyo maxkamadda banaankeeda” ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Xildhibaanka ayaa kula taliyay madaxda dowlada inaysan ku bedalan qadiyada Soomaaliyeed arrimaha Maamul  Goboleedyada ka jira.

“Ma Ogolaaneyno in Maamul-goboleedyada loo Gacan-togaaliyo awgeed uu Madaxweyne farmaajo u bur-buriyo Qaddiyad Soomaaliyeed”ayuu sii raaciyay hadalkiisa Xildhibaan  Cosoble.

Like it? Share it!

Leave A Response