Xildhibaan Fiqi oo Banaanka Keenay xog badan oo ku saabsan DHULKA ay isku hayaan Muuse Suudi iyo DF

by admin | Tuesday, Apr 9, 2019 | 851 views

Xildhibaan Axmed Macali Fiqi oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin dheer ka diyaariyay dhulka ay isku hayaan dowladda Soomaaliya iyo Senetor Muuse Suudi Yalaxow.

Qoraalka Xildhibaanka ayaa wuxuu soo dhigay Bartiisa Facebook, waxaana uu kaga hadlay Dhulka Ciidamada Badda Soomaaliya ee ku yaala degmada C/Casiis ee gobolka Banaadir, waxaana qoraalkiisa uu qornaa Sidan:-

Waxaan shalay ballanqaaday in aan soo bandhigi doono xogta ku gadaaman dhulka uu afhayeenkii hore ee Xaaji Muuse Suudi shaqada looga dhigay maalmahaan, waxaana ku soo koobay labada bog ee lifaaqa ah.

Lama yaabayo afhayeenkii hore ee xaajiga warkiisa, waayo wuxuu ku soo caanbaxey wax kasta oo xun oo la dhihi waayo in asaga makarafoon loogu dhigto, waxayna umadda Soomaaliyeed xusuustaan dhiibistii Halgamaa Qalbi Dhagax oo la waayey cid ku dhacda in ay sheegato in asaga qoorta loo geliyey, maalmo ka dibna uu ka qoomameeyey tii shalayna waxba kama duwanaan doonto taas, sida middaas taariikhdiisa bar madow oo ku talla ay u noqotay ayay tanina u noqon doontaa.

Hadalkii afhayeenka ee shalay wuxuu i soo xusuusiyey sheeko Soomaaliyeed oo nicmooleyda Lo’da la yiraahdo laga sameeyey!, sheekaduna sidan ayey u dhacday. “Waxa ciyey Dibigii lo’da horjoogaha u ahaa, talada lo’dana looga dambeynayey. Dibigii ayaa la weydiiyey waxa ku kallifey in uu ciyo, asagoo ku jawaabay: xoogga iyo raganimada igu jirta darteed ayaa u ciyey. Waxa isna ciyey Sicii lo’da u caana badnaa, ubadka inta badana soo koriyey. Waxaa isna sicii la weydiiyey, sababta ku kalliftey in uu ciyo, waxa uuna ku jawaabay: caanaha iyo hooyonimada aan soo koriyey ubadka ayaa igu kalliftey in aan ciyo. Weyl yar oo weylaha ka mid ahaa ayaa isna ciyey. Isagiina waxa la weydiiyey sababta uu u ciyey, waxa uuna isna ku jawaabay lo’duba cidaye sidaas darteed ayaan anna u ciyey, sababta oo ah ma lahayn garaaddo iyo waxtar uu ku faano, lo’dana uu ku soo kordhiyey,

Like it? Share it!

Leave A Response