Xildhibaan Fiqi “Xildhibaanada Golaha shacabka waxay ku balameen in la badbaadiyo Baarlamaanka”

by admin | Monday, Mar 19, 2018 | 1566 views

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi  oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku balameen sidii loo badbaadin lahaa Baarlamaanka, oo uu ugala jeeday Guddoomiye Jawaari.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Axmed Fiqi in ujeedkooda yahay sidii looga hortagi lahaa weerar ay Xukuumadda ku soo qaaday Baarlamaanka, sida uu sheegay xildhibaanka.

“Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday”ayuu yiri Xildhibaan Fiqi.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inay soo dhamaadeen dadaaladii iyo isku dayadii aan kala harka laheyn ee ay Xukuumadda waday, isagoo si jees jees uga hadlay inay dhiman tahay kaliya in kulanka khamiislaha Golaha Wasiirada lagu soo magacaabo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

“Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro”ayuu si jees jees u yiri.

Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka ayaa xildhibaanada Baarlamaanka ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka soomaaliya .

Like it? Share it!

Leave A Response