Xildhibaan Jeesow “Dadka qaraxyada geysta waxa ay ku sugan yihiin gudaha Muqdisho”

by admin | Monday, Jul 30, 2018 | 958 views

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay aminsan yihiin in dadka ka dambeeya dilalka qorsheysan ee Caasimada ka dhaca iyo qaraxyada iney ku sugan yihiin gudaha Muqdisho.

 

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Muqdisho ay iska soo dhex saaraan dadka ku dhexjira ee falalka amni dario ka wada Caasimada.

 

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo xubin ka ah guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka oo wareysi siiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Wasaaradda amniga looga baahan yahay iney shaqadeeda qabsato.

Waxa uu tilmaamay in shacabka iyo ciidamada oo si wadajir ah u shaqeeya ay sahli karto in gacanta lagu soo dhigo cid walba oo dhibaato ka geysaneysa caasimada.

 

“Xaqiiqo waxaa ah qaraxyada iyo dilalka qorsheysan waxa geysanaya waaa cadow ummadda Soomaaliyeed ay leedahay, shakina kuma jiro dadkaasi inay ku jiraan magaalada Muqdisho, Wasaaradda amniga waa inay shaqadeeda qabsataa, hadii uu qalad jirana waala saxayaa oo Guddiga amniga Baarlamaanka ayaa u qaabilsan, shacabka waxaa laga rabaa inay la shaqeeyaan Hay’adaha amniga”. Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

 

Shalay ayay aheyd markii Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Baarlamaanka Golaha Shacabka ay Muqdisho kulan su’aalo weydiin ah kula yeesheen Wasiirka amniga iyo Taliyaha Nabad Sugidda.

Like it? Share it!

Leave A Response