Xildhibaan ka tirsan DF oo bixiyay Xog cusub & sababta Shabaab u dileen Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale

by admin | Sunday, Mar 18, 2018 | 1073 views

Alle ha u naxariisto waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan Cisbitaalka Madiina lagu aasay meydka Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale oo shalay kooxo dhagar qabayaal ah ku dileen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Aaska meydka Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya,qaar ka mid ah mudabnayaasha labada Gole ee Baarlamaanka,Xubno ka tirsan Maamul Goboleedka Hirshabeelle iyo Caa’ilada Marxuumka.

Mas’uuliyiin ka tirsabn labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay goobta marxuumka lagu aasay ayaa marka tacsi warbaahinta u mariyay ehelada iyo Bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan oo uu nabadoonku ka baxay.

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare iyo Godoomiyihii hore ee Gobolka hiiraan C/fitaax Xasan Afrax oo ku hadlayey codka caa’illada marxuumka ayaa fariin u direy maleeshiyaadka Sl-Shabaab oo ay sheegeen Nabadoonka ay u dileen dagaal looga hortagey deegaanka Maxaas ee Gobolka Hiiraan
Xildhibaan Nuur iidow Jimcaale oo ka tirsan mudanayaasha Golaha shacabka ayaa sheegey in dagaalada Al-shabaab looga sifeynayo deegaanada Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud ineysan u joogsaneyn dilka Marxuum Axmed Cabdule Jimcaalle

Wasiirka Waxbarashada Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa tacsi u diray Ehalada Marxuumka iyo bulshada Soomaaliyeed, wuxuuna Alle uga rajeeyey jannadi fardowso inuu ka waraabiyo Axmed Cabdulle Jimcaale oo gacan ka xaq darani dishay

Like it? Share it!

Leave A Response