Xildhibaan Mahad Salaad Oo weerar culus ku qaaday madaxweynaha Galmudug

by admin | Tuesday, Dec 1, 2020 | 346 views

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacaka baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana ka soo jeeda Galmudug ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulkaasi, Axmd Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Mahad Salaad oo qoraal dheer soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa shaaca ka qaaday in Qoor Qoor uu ka mashquulay arrimaha Galmudug, siiba dhinacyada ammaanka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxweynaha Galmudug uu muddo bil ah u dhexeeyey magaalada Muqdisho iyo dalka Turkiga, islamarkaana uusan waxba u qaban dadkiisa.

“Madaxweyne Qoor Qoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa,” ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha mucaaradka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ammaanka Galmudug uu faraha ka sii baxay, islamarkaana ay isugu darsameen dagaallada Al-Shabaab iyo colaad beeleedyo.

Tusaale wuxuu u soo qaatay amin xumo uu sheegay inay ku soo kororto wadada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel iyo sidoo kale weeraradii ugu dambeeyey ee lagu qaaday garoonka diyaaradaha maamulka Galmudug ee Ugaas Nuur.

Halkan hoose ka aqriso:-

Degmada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug weerar shalay Alshabaab ku qaadeen waxay ku dileen shacab iyo ciidan kor u dhaafaya 40 meeyo. Gaadiid dagaalna (Tikniko) waa ku qabsadeen.

Wadada Guriceel iyo Dhuusamareeb isku xirta dhowr iyo toban sano kadib waa markii ugu horaysay oo dadka shacabka ah cabsi Alshabaab la’mari waayaan. Mas’uul xil hayana warkiisaba daay. Taliyaha Xooga Gen Odowaa waa tii maalmo kahor miinada loo geliyay Ilaaheyna ka badbaadiyay.

Airport ka Dhuusamareeb Alshabaab dhowr mar ayay duqeeyeen, diyaaradii Madaxweyne Qoorqoor sidayna dhowr asbuuc kahor waa tii gantaalaha lidka diyaaradaha ku garaaceen mudo yar kadib markii ay ka duushay airport ka Dhuusamareeb.

Ugu yaraan siddeed (8) furimood oo Galmudug dhexdeeda ah waxa ka socda dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleedyo reer Galmudug ah oo ay ugu horeeyaan kuwa uu ka dhashay Madaxweyne Qoorqoor iyo kuwa ka soo jeeda caasimada Galmudug Dhuusamareeb.

Madaxweyne Qoorqoor mudo bil ah Xamar, Istanbul iyo Xaafiiska Fahad Yaasiin ayuu u kala gooshayaa, deegaankii loo doortayna waxaas oo dhibaato ah ayaa kajira, maantana magaalada dhexdeeda ayuu ku soo dhajistay boor ay ku qorantahay GALMUDUG WARANKII YAANBAY KA TUMATAY!

BAL ADIGU WAX DHEH!

Hon. Mahad Salad

Like it? Share it!

Leave A Response