Xildhibaan Mahad Salad” Fahad & Farmaajo waxaan leenahay dadkaan dad la boobi karo maahan”

by admin | Thursday, Nov 19, 2020 | 380 views

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, Arrimaha doorashooyinka iyo xaalada Galmudug.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka  inay doonayaan in dalkaan ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo qof walba nasiibkiisa uu ku tartamo kana qaato wixii uu ka helo.

Isaga oo ka hadlayay Arrimaha doorashooyinka ayaa waxaa uu sheegay in dalkaan uu ka gudbay xilligii xoog wax lagu  maquunin jiray, isla markaana fahad iyo farmaajo ana laga aqbaleyn.

“ Hadda ka hor ayaa la yiri Nin Reer Mudug ah adiga oo Afar cad oo Hilib ah heysta ayaa Tuug kuusoo dhacay oo laba cad kaa qaatay, waxaa la yiri meeqo cad ayaad heysataa wuxuu yiri Shan cad ayaan heystaa sidee ayaa la yiri, wuxuu yiri Afar Cad & meydka nInka ayana heystaa ayuu yiri” Marka  Fahad iyo farmaajo riyo ayaad ku jirtaan dalkaan iyo dadkaan kuwo la xoogi kari maahine riyada ka baxa  ayuu yiri” Xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay Arrimaha Galmudug, waxaana uu sheegay in Dowladda Madaxweyne Farmaajo ay dooneyso inay boobto Xildhibaannada labada Aqal ee laga soo dooranayo degaannada Galmudug.

Like it? Share it!

Leave A Response