Xildhibaan shaaciyey xog ku saabsan in Ciidamo la dul-dhigey Hoyga Sheekh Shariif

by admin | Wednesday, Mar 25, 2020 | 495 views

Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ee kasoo horjeedey Siyaasadda Madaxda dowladda ayaa sheegay in Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka badbaadey iskuday lagu doonayey in lagu weeraro hoyga uu ka degan yahay Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in laba habeen oo isku xigta dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul geysay agagaarka Hoyga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya,isla markaana ay Madaxda Dowladda mas’uul ka yihiin cawaaqibka ka dhasha Madaxda Sare ee Dowladda.

“Runtii dowladda agagaarka Hoyga Sheekh Shariif waxaa ay geysay ciidamo aan horey loo arag waliba taagtaag ayaa ka dhacey dad badana waa ay ka dheregsan yihiin,waliba waxaa jirta qaab marin habaabin ah oo la leeyahay howlgallo ayaa socda ayuu yiri”Xildhibaan Idiris Ganeey.

Xildhibaanka oo wareysi siiyey Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho ayuu sheegay in warka kasoo yeeray wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ee lagu beeniyey in Ciidamo la dul-dhigey Hoyga Sheekh Shariif uu yahay mid aan waqti badan la gelin ee la iska yiri waa sida uu hadalka u dhigey.

Madasha Xisbiyada Qaran ee uu Guddoomiyaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa War-Saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen inay dhaleeceynayaan iskuday weerar ee lagu soo qaadey Hoyga Sheekh Shariif walow warkaasi uu beeniyey Wasiirka Amniga Soomaaliya.

Like it? Share it!

Leave A Response