Xildhibaanada Baarlamaanka 2aad Hirshabelle oo lagu xirey lacag si loo siiyo Kaarka Aqoonsiga

by admin | Wednesday, Oct 28, 2020 | 346 views

Guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle ayaa ku xirey lacag in ay helaan kaarka aqoonsiga xildhibaanada baarlamaanka 2aad ee Hirshabelle.

Wararka ka imanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xildhibaan walba oo xalay lagu dhowaaqay in lagu xirey lacag gaareysa $500 “Shan Boqol oo dollar” in uu ku shubo akaawn uu furtay guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka Hirshabelle.

Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka labaad ayay ku noqotay layaab in lagu xiro lacag maadaama ay duubabkooda ay u gudbiyeen dhammaan waxyaalihii loogaga baahnaa.

Arrintan ayaa timid kadib markii saaka ay tageen xarunta guddiga farsamada xildhibaanadii lagu dhowaaqay loona sheegay inay bixiyaan lacagtaas.

Xildhibaanadii dib u soo laabtay ayaa sheegay inaysan hore u jirin lacago ay hore ugu bixiyeen inay qaataan aqoonsiga xildhibaanimada sanadkii 2016.

Like it? Share it!

Leave A Response